AKHRISO:- Odayaasha dhaqanka Puntland oo mar kale la saftay Madaxa PSF

0

Lix kamid ah Isimada Dhaqanka Puntland, ayaa Caawa go’aanno ka soo saaray xallinta murankii u dhexeeyay dowladda iyo PSF.

Qoraal ka kooban lix Qodob, oo ka soo baxay Isimada ayaa lagu go’aamiyay in Gen. Maxamuud Cismaan Diyaano loo daayo Hay’adda PSF, lana heshiisiiyo isaga iyo dowladda Puntland.

Isimada oo uu hoggaaminayo, Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa sidoo kale ku baaqay in dowladda Puntland ka laabato Heshiiskii Dekedda Boosaaso ee DP World.

Isimada ayaa sidoo kale go’aamiyay in 17% Dhaqaalaha Dekedda Boosaaso dib loogu celiyo magaalada, islamarkaana gacanta loo geliyo Isimada dhaqanka.