AKHRISO:- Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid noqday golaha wasiirada Tanzania.

0

Madaxweynaha Tanzania ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada, Wasiirada cusub ee uu magacaabay Madaxweynaha Tanzania ayaa waxaa ka mid ah Xuseen Maxamed Baashe oo loo magacaabay Wasiirka Beeraha, isagoo laga bedelay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha.

Wasiirka Beeraha Xuseen Maxamed Baashe oo muwaadin Soomaali ah, wuxuu 26 Ogosto 1975 ku dhashay gobolka Nzega, waana siyaasi iyo ganacsade caan ah oo heysta dhalashada dalka Tanzania.

Xuseen Maxamed Baashe oo ah nin dhalinyaro ah oo ku biiray siyaasadda Tanzania, isagoo ka tirsan xisbiga talada haya, ayaa sidoo kale ah xildhibaan laga soo doorto dalka Tanzania, horayna u soo noqday wasiir ku-xigeenka beeraha.

Sanadihii dambe waxaa sii kordhaya Soomaalida qurba joogta ah ee xilalka ka qabanaya dalalka Caalamka qaarkood, waxaana ugu dakbeeyay Xamse Warfaa oo Madaxweynaha Mareykanka uu u magacaabay in uu kamid noqdo la taliyeyaashiisa dhinaca xaquuqul Insaanka.