AKHRISO:- Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil toogasho ah saaka fulisay

0

Maxkamadda dajajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad ayaa saaka waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay askari katirsanaa Ciidamada xoogga dalka, kaas oo horay degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ugu dilay qof Shacab ahaa.

Askariga foogashada lagu fuliyay oo lagu Magacaabi jiray Cabdiqaadir Faarax dhaqane (Nuune ) ayaa magaalada Baladxaawo wuxuu ku dilay Marxuum Mowliid Baashe Cumar oo ahaa makaanik baabuurta sameeyo.

Fagaaraha toogashada saaka ka dhacday ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada qeybta 27aad, Ehellada Askariga la toogtay & Ehelada qofkii uu horay u dilay iyo dadweyne kale oo u soo daawasho tegay.

Xeer ilaaliye kuxogeenka Maxkamadda Ciidamada Walabka sida qeybta 27aad Gaashaanle Maxamed Cabduqaadir Maxamed ayaa sheegay in Dable xoogga Cabdiqaadir Faarax dhaqane (Nuune ) lagu helay in uu dilka ka dambeeyay, isla markaana saakay xukunkii horay loogu riday ee dilka ahaa lagu fuliyay.

Shalay ayay aheyd markii Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad ay xukun dila ah ku fulisay Askari kayirsanaa Ciidamada Booliska oo degmada luuq ku dilay darawal Mooto Bajaaj.