AKHRISO:- Madaxweynaha Galmudug oo Isbitaalka ku booqday dhaawacyada dagaalo ka dhacay Galgaduud

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Cagal ayaa Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdishu ku booqday Xildhibaan Xasan Xirsi Faafaale oo halkaas lagu dabiibayo.

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa xildhibaanka u rajeeyay caafimaad taam ah asagoona xaaladiisa caafimaad ay soo hagaageyso.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen Allaha u naxariistee Taliyihii guutada 13aad G/dhexe Cali cagaweyne iyo taliyihii howlgalinta qeybta 21aad Gle/sare Cabdiqaadir Cartan Gasaawe oo ku shahiiday howlgal ka dhan ahaa kooxaha argagaxisada, loogana guuleystay deeganadii ay kusoo duuleen.