AKHRISO:- Farmaajo oo dowlad Goboleedyada ugu baaqay hirgelinta heshiiska doorashada

0

Madaxweynaha Muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo jeediyey khudbad ku aaddan xaaladda guud ee dalka iyo doorashooyinka, ayaa Madaxda Dowlad-goboleedyada dalka ku adkeeyey hirgelinta jadwalka doorasho ee ay isla qaateen.

Madaxweynaha oo ka war-bixiyey guulaha la taaban karo ee laga xaqiijiyey dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku bogaadiyey sida naf-hurnimada leh ee ay u difaacayaan Dalka iyo halgankooda ka dhanka ah la davaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada

“Dadaalladeenna iyo qorsheyaasha hirgalay ee dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida waxay horseedeen in maanta Ciidankeenna geesiyaasha ah ay awood u leeyihiin hanashada amniga guud ee Dalka, uuna gabo-gabo marayo qorshihii ay kagala wareegi lahaayeen Ciidamada AMISOM amniga guud ee Dalka.”

Madaxweynaha Farmaajo ayaa ka war-bixiyey hannaanka siyaasadda Arrimaha Dibadda dalka oo ku dhisan wax wada-qabsi iyo is-ixtiraamka dalalka Caalamka, ilaalinta sharafka iyo Madaxbannaanida Dalkeenna, taas oo horseedday in aan si mug leh uga dhex muuqanno fagaareyaasha Caalamka.

“Siyaasaddeenna Arrimaha Dibadda ee ku dhisan gobannimada waxa ay horseedday in aan si mug leh uga dhex-muuqanno fagaareyaasha Caalamka, sida xubinnimada Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay oo aan ku guuleysannay markii labaad, in aan Madaxweyne Ku-Xigeen ka noqonnay Golaha Guud ee Qaramada Midoobey, haatanna u sharraxannahay Goleyaasha Amaanka ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay qodobadii kasoo baxay Shirkii Golaha wadataahiga, isaga oo ku boorriyey shacabka Soomaaliyeed midnimada iyo wadajirku oo fure u ah jiritaanka iyo awooddeenna qarannimo, waxa uuna xusay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku aaddan midnimada, dowladnimada iyo difaaca dalka.