AKHRISO:- DFS oo shaacisay meelaha ugu horreeya ee la geynayo deeqdii Imaaraadka

0

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Khadiija Maxamed Diiriye, ayaa ka warbixisay meelaha ugu horeeya oo la geyn doono deeqdii dowladda Imaaraadka ugu talagashay dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.

Wasiir Khadiijo oo Warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in gargaarka la geyn doono meelaha ugu daran ee abaarka kajirto, sida Beledweyne, Garbahaareey iyo Xudur oo katirsan Gobolka Bakool, halka Wajiga labaad ee deeqda loo qeybin doono Gobolka Banaadir si loogu qeybiyo dadka baahiyaha gaarka qaba & kuwa ku dhibaateeysan daafaha Magaalada.

Sidoo kale Wasiirka waxaa ay sheegtay in isla maanta gargaarkaas ay ku wareejisay Maamul Goboleedyada si ay u geeyaan Magaalooyinka, Beledweyne, Garbahaareey iyo Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Jimcihii la soo dhaafay ayaa dowladda Imaaraadka Carabta waxaa ay garoonka Aadan-Cadde kasoo dejisay Sahay Gargaarka, oo ay ka guddoomeen Ra’iisul Wasaare Rooble & Xubnaha Guddiga gurmadka Abaaraha.