AKHRISO:- Midowga Musharrixiinta oo Rooble ugu baaqay dhaqangelinta heshiiska doorashada

0

Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa soo dhaweeyay Warmurtiyeedkii kasoo baxay Golaha wadatashiga, iyaga oo bogaadiyay tixgelinta la siiyey talooyinkii uu soo jeediyey ee ku aaddanaa sixitaanka habraaca doorashooyinka.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Golaha ayaa waxaa lagu sheegay in Goluhu uu adkaynayo in Ra’iisul Wasaaraha iyo golaha wasiirada ay si buuxda masuul uga yihiin amniga dalka, madaxweynihii horena uu ku ekaado murashaxnimadiisa ayna rajeynayaan in madaxda Golaha Wadatashiga
Qaran ay is waafajiyaan habraaca iyo habdhaqanka
doorashada.

” Goluhu wuxuu adkaynayaa in Ra’iisul Wasaaraha iyo golaha Wasiirada ay si buuxda masuul uga yihiin amniga dalka, madaxweynihii horena uu ku ekaado murashaxnimadiisa. Goluhu wuxuu soo dhowaynayaa ballanqaadka Ra’iisul Wasaare
Maxamad Xuseen Rooble ee ku aaddan mas’uuliyadda xukuumadda ee Amniga dalka ayaa lagu yiri” Qoraalka Midowga Musharrixiint.

Sidoo kale Golaha ayaa ku boorriyay Ra’iisul Wasaaraha in uu xil iska saaro dhaqangalka habraacyada, korjoogtaynta daahfurnaanta
doorashada, furitaanka saaxadda siyaasadda oo ay ugu horrayso xorriyadda muddaaharaadka, kulammada, ololaha, safarka, iyo warbaahinta qaranka oo loo oggolaado musharrixiinta.