AKHRISO:- Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo xukun dil ah fulisay

0

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qeybta 27aad ayaa saaka waxaa ay xulun dil toogasho ah ku fulisay Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan (Dhafoor) oo horay u dilay Darawal Mooto Bajaaj.

Dilka wadaha Bajaajta ayaa ka dhex dhacay Saldhiga degmada luuq ee Gobolka Gedo, waxaana Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan (Dhafoor) oo kamid ahaa Ciidamada Booliska degmada luuq gacanta ku dhigay Ciidamadii ku sugnaa Saldhiga.

Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qeybta 27aad ayaa ku eedeysay Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan (Dhafoor) in uu sibareer ah ugu dilay Marxuum Sugow Gaarane Ciyow oo ahaa Bajaajle 3/3/2021 Saldhiga degmada luuq oo katirsan Gobolka Gedo.

Toogashada Askariga dilka geystay ayaa ka dhacday fagaaraha Barxadda toogashada Luuq-Ganaane, waxaana ku sugnaa Ehellada laba Qoys iyo Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida.