AKHRISO:- Axmed Karaash oo Saraakiisha Ciidamada Madaxtooyada kala hadlay dardar gelinta Amniga

0

Madaxwene ku-xigeenka Dowlad Goboleed Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Kulan la qaatay Saraakiisha Amniga Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Garoowe.

Shirkan ayaa looga hadlay sidii loo dar-der gelin lahaa hawlaha Amni ee Madaxtooyada iyo in ciidamadu ka fogaadaan wax kasta oo wax yeelayn kara sharaftooda, isla markaana hoos u dhigaya kalsoonida shacabkoodu ku qabaan.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in talaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo falal lidi ku ah sharciga ciidanka.

“Waxaad huwan tihiin sharaftii ciidamada Puntland maadaama aad ka hawl gelaysaan xaruntii laga hagayey dowladnimada, sidaas darteed waxaa looga baahan yahay inaad ka dheeraataan wax kasta oo dhaawici kara sharaftiina.

Ciddii lagu helo wax ka baxsan xayndaabka ciidannimo waxaan ka qaadaynaa talaabada sharciga ah ee ku haboon.

Waan idiinka mahadcelinayaa shaqada baaxada leh ee aad haysaan, anigoo idinku boorinaya inaad sii laba jibaartaan” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Kulanka waxa ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland, Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland iyo Kusimaha Ahna Taliye ku xigeenka Ciidanka Madaxtooyada Puntland.