AKHRISO:- Qodobada laga soo saaray shirkii golaha wadatashiga qaran

0

Golaha Wadatashiga Qaran oo soo gabagabeeyay shirkii uga socday Muqdisho, ayaa soo saaray war-murtiyeed ka kooban 18 qodob oo khuseeya hufnaanta iyo jadwaleynta xilliga ay soo dhammaaneyso doorashada.

Shirka qodobada ugu muhiimsan waxaa ka mid ah Guddiyada Doorashooyinka iyo duubabka dhaqanka oo la siiyey awood buuxda, sidoo kale waxaa la sheegey in Doorashada Golaha Shacabka lagu soo gebogebeeyo 15 Janaayo illaa 25 Febraayo.

Ciidamada Soomaalida ayaa la faray in dhexdhexaad ka noqdaan siyaasadda, halka Amisomna la faray in ay xoojiso amniga Villa Somalia oo ay deggen yihiib Farmaajo iyo Rooble.