AKHRISO:- Alshabaab oo werara ku qaaday deegaanka Cadakibir iyo Saraakil ku geeriyooday

0

Deegaanka Cadakibir oo qiyaastii Cadaado dhanka bari kaga beegan 60KM waxaa ka dhacay dagaal udhaxeya Ciidamada Galmudug iyo kuwa Al-shabaab waxaana la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ay Al-Shabaab weerar kusoo qaadeen deegaanka.

Allaha u naxariistee waxaa dhaawicii soo gaaray u geeriyooday taliyihii guutada 13-aad ee qeybta 21-aad Cali cagawayne kaas oo dhaawac kasoo gaaray dagaal galabta ka dhacay deegaanka Cadakibir ee gobolka Galgaduud.

Deegaanka Cadakibir waxaa horay u joogay ciidamo deegaanka iyo kuwa maamulka Galmudug.