QORMO:- DAGAALKA DAWLAD DOON IYO DAWLAD DIID OO SODON JIRSADAY

0
Madax weyne Muxamed bin Cabdullaahi
Waxaan wax kabaranaa waayaha cilmiga iyo taariikhaha qoran ee aadamaha soomaray. dalkeena soomaaliya waxaa soomaray madaxweynayaal tan iyo intii aan qaadanay xoriyada 1960kii. madaxdaa ina soomartay way inoo qorantahay oo sifiican u garanaynaa madaxweyne ama hogaamiye kastaa oo kamid ahi wuxuu ahaa ama yahay. waxaana lagu qiimaynayaa waxa markhaatiga laga yahay oo ah doorka hogaamineed iyo wax qabadkiisa. waxaa intaa dheer nooca shaqsiyadiisa,dhanka akhlaaqdiisa,damiirkiisa,dadnimadiisa,caqligiisa, diintiisa,wadaniyadiisa. Wanaag waxa nin waliba lahaa iyo wuxuu xumaan lahaa soomaalidu way ogyihiin xaga allaahna xisaab gaara ayaa illaahay u diyaariyay.
Waxaa hubaal ah oo iska cad in intii madaxweyne dalkeena soomaartay, 4 masalo aan madaxweyne Farmaajo nin lamid ahi hore inoo soomarin afartaas oo uu leeyahay isagu. 1.Wadaniyad 2.Dadjacayl 3.Diinta difaaceeda  4 xukun cadli ah oo soomaali simayaa. 4 taan masalo nin isku darsaday inama soomarin hayeeshee ragii ina soomaaray waajirtaa in ninba meel ku fiicnaa qaarkood. sidaa daraadeed waxaa dalkeena 27 sanadood ee u danbeeyay ina soomaray burbur nidaam iyo dawlad la aan ah iyo hogaamiye yaal  aan shacabka soomaaliyeed mahadin.
 Dalka soomaaliya oo la daalaa dhacaayay madaxweynayaal dalkii samatabixin waayay oo sadex arimood uun xoog saaray, 1.qabyaalad sii hurin halkii ay kala dagaalami lahaayeen 2.musuqmaasuq xarka goostay iyo lacag aruursasho  3. u adeegid dawlado shisheeye iyo shirkado shisheeye halkay ka difaaci lahaayeen dalka iyo diinta iyo dadka soomaaliyeed.
Hadaba inagoo xaaladaa foosha xun ku sugan ayaa illaahay inaga soo dhex saaray hogaamiye leh aragti fog oo siyaasadeed hankiisuna yahay soomaaliya oo hesha dawlad hanata dalkoo dhan,bad iyo bari iyo cirba oo leh ciidankii difaaci lahaa sharafka dalka iyo dadka soomaaliyeed. waa hogaamiye dhab ah oo leh aragti ah in shacabka soomaaliyeed loo soosaaro khayraadkooda ay helaan nabad iyo nolol qofkastoo soomaaliyeedna ku noolaado nolol leh qab han iyo sharaf mida usaraysa ee qof muwaadin ahi helo. waa hogaamiye ay lawayntahay soomaalinimadu oo iska diiday wax kahooseeye oo ah qabyaalad iyo gobolaysi lagu kala qaybinaayo dadka soomaaliyeed ee walaalaha ah.
Hadaba markii illaahay dadka u keeno xogaamiye fiican dadku laba wado ayuu kala raacaa,waana taariikh waligeed soo jirtay. 1. kuwo kamasayra hogaamiyaha fiican,oo laabtooda ciil iyo cuqdad buuxisay oo jiran sababtoo ah sidee ku helay wanaagaas iyo maamulkaa fiican dadkuna u jeclaadaa ana aan u waayay!! kooxdani xaqa way arkaan laakiin waa dafirsan yihiin. kooxdan aduunkana ceeb iyo cirib xumo ayay ku noolaan aakhirana xisaab waynbaa sugaysa. maxaa yeelay wuxuu ilaahay siiyay mid kamid ah adoomadiisa oo sharaf  iyo hogaamin wanaag iyo wax qabad ah ayay u quuri waayeen marwalbana dagaal iyo aflagaado iyo shacabkoo layska horkeeno ayay ka shaqaynayaan mana guulaystaan had iyo jeer.
2.kooxdan labaad waxay fahmaan fursada illaahay siiyay oo ah in uu usoo saaray hogaamiye fiican waxayna gartaan in illaahay kasaarayo dhibkii hore kolkaa way garab istaagaan oo lashaqeeyaan tusaale ahaan dalka Ruwanda oo shacabku garab taagan yihiin markay heleen madaxweyne wadani ah waa Paul Kagame. waxayna ogyihiin haday caasiyaan oo khayrkaa ay heleen xajisan waayaan,in caro illaah u imanayso oo lagu salidaayo mid aan u naxay diinta iyo dadka iyo dalka. maanta umada soomaaliyeed kama liidato shacabka ruwanda ood ogtihiin isxasuuqii iyo dhibaatadii dawlad la aanta ee ay soomareen sida daraadeed waxaa laga rabaa in ay miisaan saaraan waxay haystaan oo ah madaxweyne simaaya dhexdooda leh dabac iyo tanaasul aan abid hore loo arag noociisa jecel nabada iyo walaalnimada taabadalkeedana la eego siyaasiyiinta soomaaliyeed ee aynu wada aragno in ay u adeegayaan danaha dawlado shisheeye aynu aragno in ay qabyaalad wax ku doonayaan aynu aragno in hadafkoodo oo dhami  yahay sideen malaayiin doolar ku helaa.
waa in shacabka soomaaliyeed iska celiyaa dawladaha duulanka ku ah shiidaalkeena iyo dalkeena iyo dawladnimadeena ee inagu dhexbeertay siyaasiyiin u adeega iyaga oo layiraahdo SHISHEEYE KALKAAL. madaxweyne farmaajo wuxuu inoo ilaaliyay hantidii dalkeena waana aamin dunida maanta nin aamin ah waajiraa hayeeshee mabadna gaar ahaan afrika madaxdeeda.ogsoonoow marka nicmo hadii eebbe ku siiyo waa la mahadiyaa oo laxjistaa.
GUNAANADKII
Xasuusta soonaaliyeey in isticmaarkii haystay soomaaliya ay jireen xoogag wadaniyiin ah oo doonaayay una halgamaayay xoriyad iyo kuwo soomaali inala ah oo doonaayay in dalkeenu ku sii jiro gumaysi oo aynaan noqon dawlad xor ah !! waxaan maanta aragnaa dad soomaaliyeed oo hortaagan dawladnimadeena iyo in soomaaliya noqoto dad iyo dal jira oo xor ah.Nimankaan labaxay midawga musharixiinta oo 27 sanadood lahaa magacyo kala duwan,horana qaarbaa madaxweynayaal soo noqdoo aragnay,iyagaa hortaagan MOGDISHO in dawladi ka shaqayso oo ay noqoto caasimad soomaaliyeed oo  nabdoon. iyagu way arkaan hada in isbadal weyn iyo hanaan dawladnimo oo hana qaaday kasocoto caasimada iyo soomaaliya oo dhanba,laakiin marabaan waayo waxaa dhibaya dawladnimada iyo hormarka taasoo iyagu aysan qaban karin sidii lasoo tijaabiyayba. kolkaa waxay la dirirayaan wanaag iyo dawladnimo iyo sharaf oo dhan. waxayna cadaw ku yihiin cidkastoo qabata wanaag iyo dawladnimo.
waa nooc sidan ah oo kamid ah basharka noocyadiisa. waxay jeclyihiin iskuna raacsan yihiin,fawdada,nidaam darada,dawlad diidnimada,kufsiga,dhaca,dilka iyo dhiiga islaamka daadintiis,ganaacsi xaaraan ah iyo wax kastoo xumaan ah.Ogaada soomaaliyeey iyagu maadaama aysan khayr iyo wanaag iyo dawladnimo qabankarin oo aysan noocaasba ahayn ninkastoo wanaag wada waa kahor imanayaan oo marabaan maxaayeelay iyagu wanaag makeeni karaan markaa aduu ku arkaa!! hayeeshee aduunyada kale kuwa noocaan ah meelbaa looga soowada jeedsadaa oo waa layska qabtaa. karaamadii,sharaftii,dawladnimadii,jiritaanka qofkii soomaaliyeed,mustaqbalkii laba jiil waxaa  hortaagan oo ku ciyaaray mugdina galiyay kooxdaas yar ee dawlad diid.Farmaajo way kaa  ogyihiin in uu yahay nin wanaagsan balse waxay ku haystaan sababtoo ah waxbuu qabanayaa dawladnimuu kashaqaynayaa nidaam iyo kala danbayn markaa ma rabaan mana arki karaan cidkasta oo wanaag soomaaliyeed wada.

Yuusuf Cuma Mashruuc5@hotmail.com