Puntland oo Goob fagaaro ah ku burburisay Khamri farabadan

0

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Nugaal G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Maanta goob fagaare ah ku burburiyay Khamri tiro ahaan Gaaraya 457 dhalo kuwaas oo laga soo kala qabtay Magaalada Garoowe iyadoo si dhuumaalaysi ah loo soo gali lahaa Caasimada Puntland ee Garoowe.

Waxaa joobjoog ka ahaa Goobta lagu Gubayay Maandooriyaha khamriga kala duwan ku xigeenka Xeer ilaalinta Guud Puntland, Guddoomiyaha Gobalka Nugaal, Iyo Saraakiisha Ciidamada Booliska

Taliyaha qaybta Booliska Gobalka Nugaal G/Sare Xuseen Cali Maxamed ayaa Bogaadiyay dadaalka ciidamada ee la dagalanka Maandooriyaha waxaana uu xusay inay meel kasta ugu galayaan cid kasta oo isku dayda inay Gobalka Soo galiso Maandooriye iyo wixi la xiriira isagoo dig noo soo saaray.