Puntland oo Ciidamo farabadan ku daadisay waddooyinka Boosaaso

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in Puntland Ciidamo farabadan ku daadiaay waddooyinka Magaalada, iyada oo aan weli xal laga gaarin xiisadda ka dhalatay xilka qaadistii Agaasimaha Hay’adda PSF.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada ammaanka inta badan waddooyinka muhiimka ah la dhigay, isla markaana baaritaano gaadiidka iyo mid dadweynaha ah sameeynaya.

Ciidamadaan Maamulka Puntland uu dhigay waddooyinka Boosaaso ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay howlgalka ay wadaan isku socodka dadka iyo Gaadiidka walow aysan jirin waddooyin ay xireen balse kaliya ay wadaan baaritaano.

Qaar kamid ah Bulshada Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ay sheegeen in maalmihii la soo dhaafay ay cabsi dareemeen balse haatan xaaladda Magaalada ay tahay mid degan oo dadku si caadi ah u Shaqeeysanayaan.