Dagaal Maanta dhexmaray Ciidamada Jubbaland & Al-Shabaab

0

Barqanimadii Maanta ayaa Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan waxaa uu ka dhacay degaanka Baar Sanguuni ee duleedka Magaalada Kismaayo, wuxuuna u dhaxeeyay Ciidamada Jubbaland & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan A-Shabaab ay weerareen saldhiga Ciidamada Jubbaland ee degaanka Baar- Sanguuni ee duleedka Kismaayo, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal in ka badan saacad socday.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarkaas, waxaana warar lagu daabacay Baraha Internet-ka ee taageera lagu sheegay in weerarkaas ay ku dhaawaceen askari ka tirsan Ciidamada Jubbland oo lagu Magacaabo Nuur.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarka kaga yimid Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro xoogan gaarsiiyeen.