AKHRISO:- Madaxwayne Mustafe oo la dardaarmay saraakiisha xoogga ciidanka gaarka ah.

0

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa kulan layeeshay saraakiisha sare ee xoogga ciidanka gaarka ah.Kulankan ayaa lahaa ujeeddooyin dhawra oo ay kamid ahaayeen dardaaran guud oo la xidhiidhay sugidda amaanka shacabka, la dagaalanka argagixisada iyo cid kasta oo lid ku noqota xasiloonida shacabka.

Madaxweynaha ayaa guud ahaan ciidanka uga mahadceliyay kartida iyo dadaalka ay muujiyeen oo sabab u ah nabadgelyada iyo daganaanta kajirta maanta Deegaanka Soomaalida, balse loo baahanyahay in la sameeyo daddaalo dheeraad ah si marnaba qaswadayaashu u hawaysan khal-khal galinta amniga shacabka.

Ciidanka ayaa geestooda qiray in isbaddal horumarineed oo ballaadhan ay xukuumaddu ku samaysay ciidanka qalab ahaan, nolol ahaan iyo tayo ahaanba taasina ay ku mahadsanidiin maamulka sare ee dawladdu, waxa ayna balanqaadeen gudo ilaa iyo xudduud in ay sugi doonaan amniga shacabka.