AKHRISO:- Ciidamada Booliska Puntland oo fuliyay howlgal dad lagu qab qabtay

0

Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa howlgal qorsheysan waxaa saacadihii la soo dhaafay ay ka fuliyeen xaafado ka tirsan Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer.

Ciidamada ayaa howlgalkooda waxaa ay ku baarayeen Guryaha qaar iyo Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee waddooyinka isticmaalaya, waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in howlgalka uu ahaa mid lagu xaqiijinayay Amniga.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Togdheer ee Puntland Fatxi Cabdikariin ayaa sheegay in howlgalkaan loogu magac daray xasilinta Magaalada, isla markaana looga hortagayo kuwa falalka amni darro geysta iyo dadka isticmaala waxyaabaha maanka dooriya.

Sidoo kale Taliyaha wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray in ay siweyn u adkeeyeen Amniga Magaalada Buuhoodle, sidoo kalena ay kusoo kordhiyeen bara koontorool oo Gaadiidka lagu baarayo, wuxuuna ka codsaday Bulshada inay Ciidamada kala Shaqeeyaan augida Amniga