AKHRISO:- Dad ku dhintay qarax Miino Gobolka Jubbada Hoose

0

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa uu ka dhacay tuulada Buulo Xaaji oo 90-km dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobbolka Jubbada Hoose, waxaana qaraxaasi ku geeriyooday dad Shacab ah.

Qaraxa miino ayaa qabsaday Gaari ay wateen dad Shacab ah oo Xoolo biyo ugu doonayay, waxaana la sheegay inay geeriyoodeen Afar Dhalinyaro ah oo gaariga saarnaa.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in gebi ahaanba uu burburay Gaariga ay dhalinyarada saarnaayeen, waxaana meydadka goobta ka qaaday dadka degaanka Buulo Xaaji oo dhalinyarada yaqaanay.

Qaraxa miino ee la kacay gaariga ay saarnaayeen dhalinyarada ayaa kusoo aadaya xilli deegaanka Buula Xaaji ay saaka howlgal ku galee Ciidanka Daraawiishta Maamulka Jubbaland iyo kuwa xooga dalka ee DANAB.