AKHRISO:- Somaliland oo ka jawaabtay wararka sheegaya in ay taageertay dagaalka lagula jiro TPLF

0

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibada Somaliland Ciise Kayd Maxamuud ayaa sheegay in Somaliland ay soo dhaweyneyso waxkasta oo nabad kusoo dabaali kara dalka Itoobiya oo xilligaan ay ka socdaan dagaalo sokeeye.

Wasiirka oo la hadlay Idaacadda BBC-da wuxuu sheegay in Somaliland ay dhex dhexaad ka tahay waxa xilligaan ka socda Gudaha dalka Itoobiya, xilli dhawaan soo baxayeen in Madaxweynaha Somaliland uu taageeray dagaalka Itoobiya kula jirto Kooxda TPLF.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Madaxweynaha Somaliland kaliya uu kala hadlay Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cagjar oo booqasho ku tegay Hargeysa iskaashiga Amniga, Ganacsiga iyo xoojinta xiriirka labada dhinac.

Warbaahinta dowladda Itoobiya ee EBC ayaa dhawaan qortay in waxyaabihii ay ka wada hadleen dhawaan Madaxweynaha somaliland iyo Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida ay kujirto Madaxweynaha Somaliland oo taageeray dagaalka dowladda Itoobiya kula jirto Kooxda TPLF.