AKHRISO:- Qarax Ay Dad Ku Dhaawacmeen Oo Ka Dhacay Dalka Jarmalka

0

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhaawacantay qarax ka dhashay bam duug ah meel u dhow xarun tareen oo mashquul badan oo ku taal magaalada Munich ee dalka Jarmalka, sida ay booliisku sheegeen.

Qaraxa ayaa dhacay ka dib markii la qodayay meel u dhow saldhigga Donnersbergerbruecke oo ay ka socotay howlo dhismo ah, kaasoo sababay in bam uu qarxo.

Qaraxa ayaa ka dhashay bam duug ah oo diyaarad ay halkaa ku ridey dagaalkii labaad ee adduunka.
Macluumaad dheeri ah lagama helin nooca bamka,laakiin hubkii la isticmaali jirey dagaalkii labaad ee aduunka ayaan ah wax caadi ah oo Jarmalka laga helo.

In ka badan 70 sano kadib dhamaadkii dagaalka, ku dhawaad ​​2,000 oo tan oo bambaanooyin nool ah ayaa laga helaa wadanka Jarmalka sanad walba, Reuters ayaa werisay.

Marka loo eego qiyaasaha rasmiga ah, ilaa 15% bambooyinkii Dagaalkii Labaad ee Adduunka ma qarxin, mararka qaarna waxaa lagu aasay lix mitir dhulka hoostiisa.