AKHRISO:- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo kormeeray xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) oo safar shaqo ku joogay magaalada Neyroobi ayaa kormeer ku tagay Safaaradda Jamhuuryadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya.

U qeybsanayaasha Safaaradda ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa Agaasimaha Guud iyo Wefdigiisa ku soo dhaweeyay Xafiisyada adeegyada Baasaboorka iyo Socdaalka, isla markaana Agaasimaha Guud uga warbixiyay adeegyada ay siiyaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya.

Ugu dambeyn Agaasime Guud ayaa kulan gaar ah la yeeshay saraakiisha ka howlgala safaaradda, isagoo kula dardaarmay in ay si hufan ugu adeegaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan wadanka Kenya, isla markaana ay ilaaliyaan Shuruucda iyo Habraacyada lagu bixiyo adeegyada Baasaboorka iyo Socdaalka.