Maxkamad Xukun Dil Ah Ku Riday Jenaraal Khaliifa Xaftar, Xili Uu Musharax Yahay

0

Maxkamad Milatari oo ku taalla magaalada Misrata ee dalka Liibiya ayaa soo saartay xukun dil ah oo ka dhan ah taliyaha saldhiga bariga dalkaasi ee Jenaraal Khaliifa Xaftar, kaas oo loo haysto duqeyn ka dhacday xaruunta ciidamada cirka ee magaaladaas laba sano ka hor.

Askar ka tirsan Ciidamada dowladda ayaana ku dhintay duqeyntaasi, xukunka ayaa lagu riday jenaraal Xaftar isaga oo maqan.

Horaantii bishaan Jenaral Xaftar ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharaxa doorashada madaxtinimo ee qabsoomaysa sida qorshu yahay bisha December ee nagu soo aaddan. balse maxkamada ayaa sheegtay in xukunkaasi uu joojin karo Musharaxnimadiisa.

Shalay guddiga doorashada Liibiya ayaa diiday musharaxnimada Saif al-Qadaafi, oo ah wiil uu dhalay hoggaamiyihii la afgembiyay ee Mucamar Al-Qadaafi, sababtoo ah waxaa doon-doonaysa maxkamadda dambiyada dagaalka adduunka ee ICC oo sheegtay inuu galay dambiyo dagaal.

Warbaahinta gudaha dalka Liibiya ayaa baahisay in maxakamaddu booliska ku boorrisay inay fuliyaan xukunka la riday iyadoo la raacayo shuruucda.Faahfaahin intaa dheer lagama bixin warkaan ku saabsan xukunka maxakamddu ku ridday generaalka woodda badan ee saldhigiisu yahay bariga dalka Liibiya.