Maamulka Koonfur Galbeed Oo Shaaciyay Kuraasta Ugu Horreeysa Ee Doorashada Golaha Shacabka

0

Guddiga hirgelinta doorashada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyay qabashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.

Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashada Maamulka ayaa waxaa lagu sheegay in doorashada saddex kursi lagu qabanayo Magaalada Baydhabo, isla markaana doorashada ay dhaceyso 27-ka bishaan November oo ku beegan maalinta sabtida.

Kuraasta doorashada la qabanayo ee la shaaciyay ayaa waxaa ay tirsigoodu kala yihiin HOP#18 oo uu afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, kursiga tirsigiisu yahay HOP#170 waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Iimaan Cabdullaahi Cali, halka kursiga tirsigiisu yahay HOP#171 ay ku fadhisay Fowsiya Maxamed Sheekh.

Doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga bilaabatay Magaalooyinka Muqdisho iyo Dhuusamareeb, waxaana la doortay in ka badan 10 Xildhibaan oo kamid noqonaya Golaha Shacabka.

Maamulada Jubbaland, Puntland iyo Hirshabeelle ayaan weli soo saarin kuraasta ugu horreeysa ee doorashada Golaha Shacabka, iyagoona laga dalbaday inay si dhaqsi ah u soo saaraan kuraasta doorashada.