AKHRISO:- Ra’iisul Wasaare Rooble oo cambaareeyay qarixii ka dhacay Muqdisho

0

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya ayaa Cambaareeyey Qarixii ismiidaaminta ahaa ee saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho.

“Waan cambaareynayaa weerarkii ay argagixisada Alshabaab saaka ka geysteen Muqdisho oo dhimasho iyo dhaawac ka soo gaareen dad rayid ah oo ay ku jiraan arday.

Waa fal bahalnimo oo caddeyn u ah sida kooxdan qalloocani ugu sii talax tagtay daadinta dhiigga birimageydada si aan kala sooc lahayn ayuu yiri” Ra’iisul Wasaare Roobl3.

Intii dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyada Allaha u boogo dhayo, eheladoodana samir iyo iimaan Eebbe ha ugu deeqo”.ayuu yirri Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho kusoo batay qaraxyada iyo dilalka qorsheysan, iyada oo lagu guda jiro xilli kala guur ah o dalku uu u dareeray doorasho.