AKHRISO:- Ra’iisul Wasaaraha Cusub Ee Sweden Ayaa Is Casilay 7 Saac Kadib Markii Ay Dhacday Dowladdii Dhexe

0

Go’aankeeda ah in ay xilka ka degto ayaa daba socday dhacdooyin is daba joog ah oo keenay in miisaaniyadeeda ay ku guuldareysato in ay soo marto baarlamaanka ka hor inta uusan xisbiga da’da yar ee Miljöpartiet ku dhawaaqin in uu ka baxayo xukuumadda wadaagga ah.

“Waxaa jirta dhaqan dastuuri ah oo ah in dowlad wadaag ah ay iscasisho marka hal xisbi uu ka tago,” Andersson, oo ah xisbiga Sooshal dimuqraadiga, ayaa u sheegay suxufiyiinta.

“Ma doonayo inaan hogaamiyo dowlad sharcinimadeeda su’aalo la iska weydiin doono.”

Magdalena Andersson waxa ay sheegtay in ay rajaynayso in mar kale loo doorto jagadan dhawaan iyada oo ah madaxa dawlada laga tirada badan yahay oo ka kooban xisbiga Socialdemokraterna oo kaliya.

Qalalaasaha arbacadii ayaa bilaabmay markii xisbiga Center-ku uu la noqday taageeradii uu u hayay miisaaniyada Andersson, sababo la xidhiidha tanaasulaadkii loo sameeyay Bidixda. Taasi waxay ka dhigan tahay in miisaaniyadda Ra’iisul wasaaraha cusub aysan haysan codad ku filan oo uu ku meel mariyo baarlamaanka.

Sharci-dajiyayaasha ayaa taa beddelkeeda ansixiyay miisaaniyad kale oo ay soo bandhigeen mucaaradka Moderaterna, Christian Democrats iyo Sverigedemokraterna midig-fog.

Miisaaniyada mucaaradka ee garabka midig – oo ay si wadajir ah uga wadahadleen xisbiyada Konserfatifka iyo Christian Democrats – ayaa ku guuleystey 154 cod halka 143 cod ay heleen.

Dhaawaca dilaaga ah ayaa yimid markii hogaamiyaha xisbiga Greens Per Bolund uu sheegay in xisbigiisu uusan u dulqaadan karin mucaaradka “miisaaniyadda taariikhiga ah, oo loo diyaariyey markii ugu horeysay ee midigta fog”, oo uu ka tago dowladda.

Greens ayaa ku gacan saydhay miisaaniyada la ansixiyay, iyaga oo ku tilmaamay “kala duwanaanshaha dadka, goynta miisaaniyada deegaanka, iyo kordhinta qiiqa”, iyaga oo tixraacaya miisaaniyada cusub ee la dhimay batroolka iyo canshuurta naaftada – dhimista 50 öre litirkii laga bilaabo May 1st 2022