AKHRISO:- Maamulka Iskuulka Mucaasir oo faah faahiyay khasaaraha kasoo gaaray qaraxa

0

Maamulka Sare Iskuulka Macaasir ee Magaalada Muqdisho oo kuyaal inta u dhaxeeysa Isgoyska Tarabuunka iyo Madaxtooyadii hore ee Cabduqaasim ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha kasoo qarixii ismiidaaminta ahaa ee saaka ka dhacay banaanka Iskuulka.

Maamulaha Guud ee dugsiyada mucaasir Xuseen Cabdi Aamin ayaa sheegay in qaraxa saaka uu burburiyay inta badan fasalada Iskuulka iyo qaar kamid ah Gaadiidka Carruurta Iskuulka dhigata lagu qaadi jiray.

Maamulaha oo Warbaahinta kula hadlayay Gudaha Iskuulka ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhaawacmeen 7 kamid ah Ardayda Iskuulka & mid kamid ah Darawalada, balse aysan jirin wax dhimasho ah oo dhankooda kasoo gaaray qaraxa.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa goor sii horreeysay sheegay in qaraxa ay ku dhinteen 8 ruux 17 kalena au ku dhaawacmeen.