AKHRISO:- laftagareen & Boqor Buur madow oo ka wada hadlay dadkii laga soo musaafuriyay laas-caanood

0

Madaxweynaha Dowad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi uu Hogaaminayey Boqor Cusmaan Abuu Maxamuud (Buurmadoow) oo kamid ah Duubabka Dhaqanka Sonaliland ee maalmihii la soo dhaafay ku sugan Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo Boqor Buurmadoow ayaa ka wada hadlay Dhibaatadii Maamulka Soomaliland ay u geysteen Shacabka kasoo jeeday deeganada Koonfur Galbeed ee ku noolaa Magaalada Laascanood ee Gobolka Sool.

Kulanka ayaa waxaa wararka la helay ay sheegayaan in Boqor Buurmadow uu Madaxda Koonfur Galbeed ka raali geliyay dadkii Somalilamd kasoo musaafurisay Magaalada laas-caanood.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa u majad celiyay Boqor Buurmadow sida uu u gartay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin walaalo meel kasta ku wada noolaan kara.

Boqor Buur madoow ayaa dhawaan isaga oo hadal ka jeedinahay kulan ka dhacay Muqdisho ka sheegay in uu tegi doono Magaalads Baydhabo, isla markaana uu raali gelin siin doono Bulshada Koonfur Galbeed.