AKHRISO:- Agaasimaha KMG ah ee NISA oo loo doortay kursi Golaha Shacabka

0

Waxaa goordhow Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ka dhacday doorashada kursiga HOPO67, kaas oo ay ku tartameen laba musharrax.

Kursigaan oo maalmihii la soo dhaafay ka taagneyd dood adag ayaa waxaa ku tartamay Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud Yaasiin fareey iyo Maxamed Cali Culusoow kadib markii tartanka ay isaga hareen Saddex musharrax oo kale oo tartanka ka qeyb geli lahaa, waxaana kursiga ku guuleystay Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda NISA Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud ( Fareey)

Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa sheegay in Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud ( Fareey) uu helay 68 Cod halka Maxamed Cali Culusoow uu helay 20 Cod, waxaana halaabay 3 Cod.

Goordhow waxaa la guda galayaa doorashada kursiga labaad ee Maanta oo ah HOPO43, kaas oo uu ku fadhiyo Xuseen Qaasim Iidow.