SAWIRO:- Madaxweynaha Puntland iyo Wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweyeey degmadda Sheerbi

0

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Sheerbi ee Gobolka Karkaar.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay masuuliyiinta magaalada iyo dadka deegaanka, wuxuuna kula dardaarmay in ay soo dhoweeyaan dadka reer guuraaga ah ee kasoo hayaamay dhulka abaartu ka jirto. Wuxuuna la wadaagay in Dowladdu ay qorshe ka leedahay sidii dadkaasi lagu caawin lahaa.