Ma la bixin doonaa abaalmarintii loo ballanqaadday dadkii caawiyay soo qabashada maxaabiistii baxsatay Xabsiga Kenya?

0

Booliska Kenya ayaa sheegay in ay fulin doonaan ballan qaadkoodii ahaa in ay lacag caddaan ah siinayaan dadka Kenyanka ahaa ee gacan ka siyay koox isku dhaf ah oo ka tirsan ciidamada ammaanka oo gacanta ku soo dhigay raggaas oo ka baxsaday xabsiga Kamiti.

Kormeeraha Guud ee Booliiska, Hilary Mutyambai, ayaa sheegay in dowladda ay hadda bilaabi doonto hannaanka xaqiijinta si loo hubiyo in hadiyaddu ay gaadho “dadkii xaqa u lahaa.”

“Dowladdu waxay ku talo jirtaa inay ixtiraamto ballanqaadkeeda ku aaddan abaal-marinta lacageed. Tani si kastaba ha ahaatee waxay wajihi doontaa habka xaqiijinta ee ku habboon si loo hubiyo in abaalmarinta ay aado kuwa xaqa u lahaa,” Mutyambai ayaa yidhi.

Waxa uu intaa ku daray in xaaladda amni ee dhacdadan iyo khatarteeda ay ku iman karto dadka sida dhabta ah gacan ka geystay soo qabashada maxaabiistan oo taasi u diideyso in si buuxda loo shaaciyo dadka la siiyay abaalmarinta lacageed.

Warar dhowr ah oo sheegaya in ay dhawr qof ay ku lug lahaayeen qorshaha baxsadka raggaas, taas oo si weyn looga hadal hayo warbaahinta, waxayna u baahan baadhitaan dheeraad ah ka hor inta aan la bixin lacag dhan 60 milyan oo Shilin.

Hay’adda dambi baadhista ee DCI ayaa balan qaadday in ay bixineyso lacag dhan 60 milyan oo shilinka dalka Kenya, si loo soo qabto maxaabiistaasi ka dib markii ay xog muhiim soo gudbiyaa shacabka.

Ciidamadan ayaa horey loogu daabulay gobolka Kitui halkaas oo sadexdii Argagixiso ee kala ahaa Musharraf Abdalla Akhulunga, Zarkarawi, Mohammed Ali Abikar iyo Joseph Juma Odhiambo oo baxsaday 15-kii November dib loo xidhay saddex maalmood ka dib iyaga oo ku sii jeeda Soomaaliya.

Raggani waxaa dib loogu celiyay xabsigii ay ka baxsadeen ee Kamiti ee magaalada Nairobi.

Toddobo ka mid ah saraakiisha xabsiyada Kenya ayaa la xiray ka dib markii saddex maxaabiis ah ay ka baxsadeen xabsi si weyn amnigiisa loo ilaaliyo oo ku yaalla duleedka magaalada Nairobi.

Arbacadii madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa shaqada ka eryay taliyaha xabsiyada dalkaas, Wycliffe Ogallo.

Wuxuu magacaabay taliye cusub oo lagu magacaabo John Warioba.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay laamaha amniga in ay adeegsadaan wax kasta oo ay awoodi karaan si loo soo qabto maxaabiista.