AKHRISO:- Qarax lala eegtay Ciidamo ka tirsan AMISOM & Khasaaro ka dhashay

0

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa Ciidamada Uganda ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM waxaa lagula eegtay degaanka Buufow Bacaad ee duleedka Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa sigaar ah loola beegsaday Kolonyo gelbineysay Ciidamada AMISOM, waxaana jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay qaraxaas.

Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyada qaraxa ayaa waxaa ay baahiyeen inay qaraxa ku gubeen Gaari nooca xamuulka qaada ah, isla markaana sidoo kale qaraxa kaliya uu ka badbaaday hal askari.

Saraakiisha Ciidamada Uganda ee Aaga Magaalada Marka weli kama hadlin qaraxaas, iyada oo dhowr jeer Ciidamada AMISOM qaraxyo lagula eegtay degaano hoostaga Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu kamid yahay meelaha ay joogaan Ciidamada ugu badan ee AMISOM, waxaana ka dhaca qaraxyo iyo wesraro toos ah oo ay mas’uuliyadiisa sheegtaan Ururka Al-Shabaab.