AKHRISO:- Muxuu Farmaajo Maanta u bandhigay Madaxda dalalka COMESA?

0

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb-galay Shir Madaxeedka Suuqa-wadaagga Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA) ayaa soo bandhigay fursadaha ballaaran ee ku aaddan maalgashiga Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in iskaashiga dhaqaalaha iyo fududeynta ganacsiga dalalka Gobolka ay aas-aas u tahay qorsheyaasha heer Qaaradeed ee kobcinta nolasha dadkeenna danyarta ah, cirib-tirka saboolnimada iyo xaqiijinta hiigsiga horumarka loo dhan yahay.

“Soomaaliya oo ka mid ah dalalka dhidibbada u taagay dalladan ganacsi ee dalalka Bariga iyo Koonfurta Qaaradda waxaa ka go’an in ay ka faa’iideysato hal-abuurka ganacsi ee ay ku tilmaaman yihiin dadkeenna Soomaaliyeed oo ay weheliso booska istiraatiijiga ah ee uu dhaco dalkeennu”.

Farmaajo ayaa boggaadiyay dadaallada Madaxda Dalalka ku bahoobay COMESA ay ku bixinayaan ka miro dhalinta qorshaha is-dhexgalka dhaqaalaha, si xal waara loogu helo aafooyinka dib u dhigay nolasha shucuubta dalalkaas, loogana soo kabto saameynta xooggan ee Cudurka COVID-19 uu ku yeeshay dhaqaalaha dalalka Gobolka.

“Wadamada xubnaha ka ah COMESA waa kala duwan yihiin, waxayna qani ku yihiin kheyraadka dabiiciga ah iyo kan aadanaha labadaba. Waxaa jira fursado dhab ah oo tan looga faa’iidaysan karo iyada oo loo marayo in la xoojiyo ganacsiga gudaha ee COMESA”

Madaxweyne Farmaajo oo kulanka kaga qeyb-galay hab fogaan arag ah Madaxda dalalka ku mideysan dallada dhaqaalaha ee COMESA, Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Hay’adaha Maaliyadda ee heer Qaaradeed iyo Bangiga Adduunka ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Masar Cabdulfataax Al-siisi oo loo doortay Guddoomiyaha cusub ee dalladda dalalka ku mideysan COMESA.