AKHRISO:- Madaxweynaha Koonfur Galbeed & Guddoomiye Mursal oo kulan yeeshay

0

Madaxweynaha Dowad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xafiiskiisa Magaalada Baydhabo ku qaabilay Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Baarlaamanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxmaan oo maanta Baydhabo gaaray.

Qaabilaad iyo kala warqaadasho Madaxda kadib waxay ka wada hadleen xaalada dalka iyo Arrimaha Doorashooyinka ee hadda socda, iyada oo ay xusid mudan tahay in Guddoomiye Mursal Maanta la siiyay shahaadada musharraxnimo ee Golaha Shacabka.

Kulanka waxaa sido kale qeyb ka ahaa Gudoomiyaha Gollaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cali Saciid Fiqi.