AKHRISO:- Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo la kulmay Wakiilo ka socda Beesha Caalamka

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay ku xigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Anita Kiki Gbeho, Safiirka Midowga Yurub Tiina Intelmann iyo Safiirka Dowadda Ingiriiska ee Soomaaliya danjire kate Foster.

Kulankaan ayaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka gaar ahaan dardargalinta doorashada golaha Shacabka, Amniga iyo maashaariicda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhowaan deegaanada Hirshabeelle ay ka bilaaban doonto doorashooyinka golaha shacabka oo si daahfuran u qabsoomi doonto waxa uuna sheegay in muwaadiniinta musharixiinta ah fursad siman la siin doono.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka warbixiyay dhibaatooyinka abaaraha iyo fatahaadaha ee ku gadaaman deegaanada Hirshabeelle oo muhiim ay tahay in nagala caawiyo ka hortaga fatahaadaha.