AKHRISO:- Farmaajo oo ka qyeb galaya Shir madaxeedka dalalka COMESA

0

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu ka qeyb-galo Shir Madaxeedka dalalka COMESA oo ah Dallad ay ku midoobeen 21 dal oo ka tirsan Bariga iyo Koonfurta Afrika.

Shirkan ayaa waxaa marti geliyey dalka Masar, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu kamid yahay Madaxda Shirka kaga qeyb galeysa Aalada Zoomka ee Khadka Internetka.

Shirka ayaa Madaxda dalalka COMESA ayaa waxaa ay uga hadli doonaan xaaladda Gobolka gaar ahaan dagaalada Itoobiya ka socda iyo wixii ka dhacay dalka Suudaan & arrimo kale oo ku saabsan Gobolka.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirka ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo xaaladda dalka Soomaaliya, sida amniga iyo doorashooyinka socda.

Madaxeedka dalalka COMESA ayaa sanadkiiba mar la qabtaa, waxaana looga hadlaa arrimo ku saabsan xaaladaha ka taagan dalalka ku mideysan COMESA, iyada oo madaxda ay soo jeediyaan arrimo kala duwan.