AKHRISO:- Abiy Ahmed Oo Lagu Arkay Furimaha Dagaalka, Isagoo Xiran Dharka Milatariga

0

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa lagu arkay jiida hore ee dagaalka u dhaxeeya ciidamada federaalka iyo xoogagga TPLF,isagoo haatan ah abbaanduulaha guud ee ciidamada difaaca Qaranka dalka Itoobiya.

Sawirran la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya Abiye Axmed oo saran gaari ciidan isagoo haya qori dhashiika ah, waxa uu watay dharka ciidanka, mararka qara waxa uu gacan qaadayay ciidamada difaacyada uga jira buura ku yaala gobolada Waqooyi ee dalka.

“Kuwa doonaya inay ka mid noqdaan caruurta Ethiopia ee ay xusi doonto taariikhda, u istaaga dalkiina maanta, aanu ku kulano furinta hore.” ayuu Aby Ahmed ku yiri bayaan uu soo dhigay twitter habeenkii Isniinta.

Saacadihii la soo dhaafayna waxaa baraha bulshada lagu arkayay in ciidamo ka tirsan booliska federaalka Itoobiya la geeyay xuduudaha iyo magaalooyinka kuwaas oo la sheegay in loogu tala galay inay sugaan amniga aaggaga la geeyay.

Talaabadan ayaa timid markii ciidamada TPLF ay kusoo dhawaadeen Addis Ababa, kadib markii ay qabsadeen magaalada Shewa Robit, oo 220 km u jirta caasimadda.

Si kastaba, Abiy ayaa ciidamada dowladda u diray gobolka Tigray bishii November ee 2020, kadib markii uu TPLF ku eedeeyey inay weerareen xero ay leeyihiin ciidamada dowladda.