AKHRISO:- Xubno uu kujiro Yaasiin fareey oo loo diiwaangeliyay musharraxnimada Golaha Shacabka

0

Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa Maalintii labaad oo xiriir ah waxaa ay Magaalada Dhuusamareeb ka wadaan diiwaangelinta Musharrixiinta 5 kursi ee Golaha Shacabka, kuwaas oo dhawaan la dooran doono.

Guddiga ayaa maanta gudoonsiiyey shahaadada murashaxnimo xubno soo buuxiyey shuruudaha musharnimada, kuwaas oo soo buuxiyey shuruudaha musharixiinta aqalka hoose gaar ahaan kuraasta

, HOP#043
HOP#054
HOP#104
HOP#067
HOP#026.

Musharrixiinta Maanta la diiwaangeliyay ayaa waxaanay kala yihiin, kusimaha Agaasimaha NISA Yaasiin Fareey, Xuseen Yuusuf Qaasim Iidow iyo qaar kamid ah musharriinta kuraastaan.

Kursiga ugu hadal heynta badan 5-ta kursi ee doorashasooda dhawaan lagu qabanayo Dhuusamareeb ayaa waxaa dadka u sharaxan kamid ah kusimaha Agaasimaha NISA Yaasiin Fareey oo kamid ah dadka lagu tuhmaayo maqnaanshaha Ikraan Tahliil.