AKHRISO:- Soomaaliya & faransiiska oo ka wada hadlay Iskaashiga Amniga & Ganacsiga

0

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamig ee Soomaaliya, Balal Maxamed Cusmaan, ayaa ku qaabilay Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Faransiiska u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Aline Kuster-Menager.

labada Mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah iyo arrimo kale oo ahmiyad leh.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay siyaabaha kor loogu qaadi karo iskaashiga amniga, xiriirada ganacsiga iyo maalgashiga, iyo sidii loo horumarin lahaa fursadaha abuuritaanka iskaashi faa’iido u leh labada dal.

Safiirka Jamhuuriyadda Faransiiska u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Aline Kuster-Menager ayaa uga mahad celisay Wasiiru dowlo Balal Maxamed Cusmaan sida uu u soo dhaweeyay, iyada oo balan qaaday inay kordhin doonto wadashaqeynta ay la leedahay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Faransiiska ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha sanadihii la soo dhaafay taageerayay Dowladda Soomaaliya, balse aysan jirin waxyaabo muuqda oo ay Dowladda Faransiiska ku taageertay Dowladda Soomaaliya.