AKHRISO:- Milateriga Suudaan Oo Dib Ugu Celiyay Xukunka Dalka Abdalla Hamdok

0

Milateriga Suudaan ayaa dib u soo celiyay Ra’iisul Wasaarihii xilka laga tuuray Abdalla Hamdok si uu u hoggaamiyo dowlad rayid ah oo farsamoyaqaanno ah ka dib toddobaadyo banaanbaxyo rabshado wata oo lagu dilay dad badan kadib afgambigii ka dhacay dalka Sudan.

Hogaamiyayaasha rayidka iyo kuwa milatariga ayaa sheegay in saraakiisha dowladda iyo siyaasiyiinta la xiray tan iyo afgambiga dabayaaqadii bishii October la sii deyn doono, taasoo qeyb ka ah heshiiskii dhexmaray ciidamada iyo xisbiyada siyaasadda oo uu ku jiro xisbiga Ummada ugu weyn.

Inqilaabku waxa uu soo jiitay dhaleecayn caalami ah, iyada oo Maraykanka, xulafadiisa iyo Qaramada Midoobay ay cambaareeyeen weerarrada ka dhanka ah dibad-baxayaasha afgambiga ka soo horjeeda.

Hase yeeshee, waxaa weli ka sii socda dalka Sudan banaanbaxyo lagudiidan yahay heshiis kasta oo lala galo milatariga.

Sida ku cad heshiis uu la saxeexday hoggaamiyihii milatariga General Abdel Fattah al-Burhan, Hamdok, oo markii ugu horreysay la magacaabay ka dib afgambigii taliskii Cumar al-Bashiir ee kacdoonka 2019, ayaa hogaamin doona dawlad rayid ah oo farsamoyaqaanno ah muddo ku meel gaar ah.

Heshiiskan ayaa wajahaya mucaaradad uga imaanaya kooxaha dimuquraadiga ah oo dalbanayay xukun rayid ah oo buuxa tan iyo markii xilka laga tuuray Bashiir, waxayna ka caroodeen dhimashada tobaneeyo mudaaharaadayaal ah toddobaadyo ka dib afgambigii Oct. 25.