AKHRISO:- Madaxweynaha Jubbaland oo Wakiilada Beesha Caalamka kala hadlay Arrimaha doorashooyinka

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedkw Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa hab maqal iyo muuqaal ah kulan kula qaatay masuuliyiinta Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Wakiilada Maraykanka Ingiriiska iyo Midowga Yurub.

Kulanka ayaa waxaa ay labada dhinac uga wada hadleen arimaha Doorashooyinka gaar ahaan bilaabida Doorashada golaha shacabka oo waqtigii loo asteeyay dib uga dhacday.

Wakiilada Beesha Calamka ayaa Madaxweynaha Jubbaland ugu baaqay in uu dardar geliyo howlaha bilaabida doorashooyinka Golaha Shacabka si sanadkaan 2021 loogu soo geba-gabeeyo doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxaa ay wadaan dadaalo ay Maamul Goboleedyada uga dhaadhicinayaan bilaabida doorashada Golaha Shacabka, iyaga oo horay kulan ula eeshay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).