AKHRISO:- Ciidanka NISA oo howlgal ku qabtay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

0

Ciidamadda ammaanka gaar ahaan Duufaan ee NISA ayaa howlgal bartilmaameedkiisu qorshaysnaa ka fuliyay degmada Afgooye oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka saraakiisha hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in gacanta lagu dhigay saddex Xubnood oo ka tirsan Al Shabaab.

” Xubnahaan gacanta ku dhigeen ciidamadu oo Ha’yadda NISA dabagal ku haysay ayaa Al Shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada iyo Miinooyinka, kuwaas oo qorshaynayey in hawlgalo shacabka dhagar loogu maleegayo oo miino aasid iyo qaraxyo ah ka fuliyaan Magaalada Muqdisho ayaa lagu yiri” Wa kasoo baxay Ciidanka Duufaan ee NISA.

Ciidanka hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeynayeen degaano iyo degmooyinka ka tirsan Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.