AKHRISO:- Tahriibayaal ku geeriyooday badda u dhexeysa Liibiya iyo Talyaaniga

0

Hay’adda socdaalka Qaramada Midoobay ee IOM ayaa sheegtay in 75 tahriibayaal ah ay ku dhinteen badda Mediterranean-ka ee waqooyiga Liibiya horraantii toddobaadkan xilli ay doonayeen inay gaaraan Talyaaniga.

Ururka caalamiga ah ee socdaalka ayaa ku sheegay masiibadii ugu dambaysay bartooda twitter-ka Sabtidii, iyagoo xogtan ku sheegay in 15 qof oo dadkaas la socday ay soo badbaadiyeen kalluumaysato, isla markaana la keenay dekedda Zuwara ee waqooyi-galbeed ee Liibiya.

Qaramada Midoobay ma aysan bixin macluumaad dheeri ah oo la xiriira musiibadan

Sidoo kale Sabtidii, Ilaalada Xeebaha Talyaanigu waxay soo badbaadiyeen in ka badan 420 tahriibayaal ah, oo ay ku jiraan tobannaan carruur ah, oo saarnaa doonyo dhibaato badan kala kulmay Badda Mediterranean-ka.

War kasoo baxay ilaalada xeebaha ayaa sidoo kale lagu sheegay in 70 qof oo kale ay si nabad ah ku keentay mid ka mid ah doomihii ay wateen jasiiradda yar ee Talyaaniga ee Lampedusa, ee koonfurta Sicily.

Sanad kasta, kumanaan muhaajiriin ah iyo qaxooti ka yimid Afrika, Bariga Dhexe iyo Koonfurta Aasiya ayaa isku daya inay ka gudbaan halista badda Mediterranean-ka, iyaga oo raacaya doonyo buux-dhaafay oo aan ku habbooneyn in lagu safro.