Maxkamad la soo taagi doono nin muwaadin Soomaali ah ku dilay UK

0

Warbaahinta Britain ayaa hadal haysa Cali Abukar Cali oo 20 jir ah Soomaali ah oo u geeriyooday dhaawac soo gaaray xilli uu ku howlanaa badbaadinta haweeney 82 jir ah oo iyaduna u geeriyootay weerar mindi ah oo lagu qaaday xilli ay ku sugneyd maqaaxi ku taal xaafadda Brentford ee woqootiga London.

Allaha u naxariistee Cali ayaa waxaa uu ahaa nin dhalinyara ah oo haysta dhalashada Britain, asal ahaana kasoo jeeda Soomaaliya.

Eedeysanaha Falkaan geestay ayaa dacwad lagusoo ogi doona isniinta soo socota, waxaana wiilkaan ehelkiisa loo uruuriyay lacago kor u dhafaya 70K oo ganiga isterliinka ah.