DFS iyo Midowga Afrika oo isku khilaafsan ka bixitaanka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.

0

Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa si weyn iskugu khilaafsan qaabka uu yeelan doono hawlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM wixii ka dambeeya sannadkan, waxaana Midowga Afrika uu dhowaan ansixiyey qorshe hawlgalka ka dhigaya mid ay wadajir u maamulaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.

Qorshahaas waxaa si xooggan u diidday dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq oo ka hadlay arrintaan ayaa waxaa uu sheegay in dowladda soomaaliya ay aaminsan tahay in ammaanka Dalka ay ugu dambeystii ay tahay arrin  u taala Dowladda islamarkaana uu xal waara uu ku imaan karo waa markii Soomaaliya ay iyada arrimaha amnigeeda ay gacanta ku heyso.

Wasiirka Waxaa uu Tilmaamay in ay dowladda Soomaaliya ay heesato Ciidamo qaba tababar wanaagsan kuwaas oo aad u leh iney masuuliyada ammaanka dalka ay kala wareegeen Howlgalka AMISOM islamarkaana Midowga Afrika ay isla fiirinayaan markii uu waqtiga ka dhaco Sanadkaan sii dhammaanaya.

Muddooyinkii Dambe waxaa taagnaa khilaaf u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika kaas oo ku aadan Qorshaha ka bixitaanka Soomaaliya ee howlgalka AMISOM, iyadoo AMISOM ay iyadana ka caga jiideeso.