AKHRISO:- Xubno ka tirsan Guddiga doorashooyin Heer Federaal oo gaaray Gaalkayco

0

Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Galmudug ee uu hoggaaminaayo guddoomiyaha Gudigaas Maxamed Daahir Guuleed, iyo Xubno ka tirsan Guddiga ayaa gaaray Magaalada Gaalkcyo.

Wafdiga waxaa kamid ah Xubno ka tirsan Gudiga Hirgalinta doorashada heer Federaal oo ay ka mid yihiin Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Axmed Aadan Dagaal ( Safiina) , Liibaan Axmed Xasan, iyo Cabdijibaar Cabdullaahi Faarax.

Gaalkacyo, waa magaalada labaad ee Galmudug ah, oo la qorsheeyey iney doorashadu ka dhacdo, maadama Heshiiskii 17 September, uu dhigaayo in Dowlad Goboleedkasta labo magaalo doorashada ka dhacdo.

Gudiga Doorashada labada heer ayaa kor meeri doona Goobaha ku haboon Doorashada iyo guud ahaan Amniga Magaalada, gudiga ayaa la kulmi doonaan qeybaha bulshada.