AKHRISO:- Guddoomiyihii Shabeellaha Hoose oo xilkii laga qaaday & mid cusub…

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xilkii ka qaaday Guddoomihihii Gobolka Shabeellaha Hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur Sidii iyo kuxogeenkiisa Amniga.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa loogu Magacaabay Maxamed Cabdiraxiin Nuur halka Guddoomiye kuxigee ka Amniga Shabeellaha Hoose loo Magacaabay Axmed Cumar Maxamed.

Guddoomiyihii Gobolka Shabeellaha Hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur Sidii ayaa waxaa xilkaas loo magacaabay 16-kii Bishii Noverber ee sanadkii 2020, waxaana uu xilka haayay muddo 11 Bilood ah, isaga oo bedelay Guddoomiyihii ka horreeyay ee Ibraahim Aadan Cali Najax.