AKHRISO:- Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug oo ku dhawaaday Guriceel

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay welinayaan kuwa Maamulka Galmudug ayaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan waxaa ay ka billaabeen degaano u dhow degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo laba todobaad ka hor ay la wareegeen xoogga Ahlusunna Waljamaaca.

Ciidamada o wata gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ay gaareen fariisimohoodii hore ee tuulada Ceel-Sadiiq oo guriceel ujirta qiyaastii 16-km, kuna beegan inta u dhexeysa Ceeldheere iyo Guriceel.

Sidoo kale Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa GorGor ee dowladda Soomaaliya ayaa Saldhigyo ka sameyatay deegaanada Bali-cad iyo Dumaaye, halka Ciidamo uu wato gudoomiyaha degmada guriceel ee Galmudug Anas Cabdi Macalin uu isna mudooyinkan halkaas ka waday abaabul ballaaran.

Tan iyo markii Ciidamada Ahlusunna ay la wareegeen Guriceel ayaa waxaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan duleedka degmadaas ka billaabay Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug, waxana ay saameyn ku yeelatay xaaladda Guriceel oo aadu kaxsan.

Dhinaca Ciidamada Ahlusunna ayaa dhankooda waxa ay degmada Guriceel ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay kaga hortagayaan hadii uu weerar kaga yimaado dhinaca Ciidamada Huwanta ah, iyada oo inta badan dadkii deganaa degmada Guriceel ay barakaceen.