AKHRISO:- Qarax Khasaare geystay oo ka dhacay Beledweyne

0

Qarax ayaa goordhow ka dhacay magaalada Beledweyne gaar ahaan maqaayad ku dhagan Saldhigga Magaalada Beledweyne.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan in uu ahaa Miino.

Dadka ku dhintay qaraxa oo ka mid ahaa Duqii deegaanka feer feer Khaliif Garad Roble sidoo kale waxaa ku dhaawacmay Gudoomiyihii feer feer Mahad Beeyle.

Taliyihii Saldhigga booliska Magaalada Beledweyne ayaa ka mid ah Mas’uuliyiinta qaraxa ku waxyeeloobay.