AKHRISO:- Guddiga doorashooyinka Puntland oo ganaax kusoo rogay Ururka uu hoggaamiyo Madaxweyne Deni

0

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa ganaax ku ridey Urur Siyaasadeedka KAAH oo lagu helay inuu ku xad gudbey xeerka doorashada qodobada 22, 23 iyo jadwalka Guddigu udajiyay ololaha Ururada.

Ururka KAAH oo uu gudoomiye u yahay Madaxweynaha Puntland ayaa olole doorasho qabsaday maalin aan ahay maalinkii loo asteeyey.

Ururka ayaa lagu helay in maalin uusan laheyn isku soo bax uu sameeyay, waxaana lagu ganaaxay lacag dhan kun dollar iyo in tuuladdii ay kasameeyeen banaanbaxa aysan mardambe ka sameyn Karin.