Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay xoojineyso xiriirka dalalka deriska

0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah  ee Soomaaliya Balaal Maxamed Cismaan ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoojineyso xiriirka wadamada deriska ah gaar ahaan kan ka dhaxeeyay Dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiir Balaal ayaa waxaa uu sheegay inay muhiim utahay laba dal oo ay ka dhaxeyso xiriir iyo cilaad qaad qoto dheer loo baahanyahay inay iskaashadaan.

Hadalka Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ayaa yimid kadib Guushii taariikhiga aheyd oo ay Soomaaliya ka gaartay kiiska dacwada baddeyna oo ay muranka gelisay kenya.

“Annaga waxaan diyaar unahay inaay wanaajino xiriirka nagala dhaxeeya wadanka deriska ee Kenya  balse hadii ay ku adkeystaan iyaga waxaan ku qasbanahay inaan ilaalino qaranimadeyna” ayuu yiri Wasiirka Balaal.

Balaal Maxamed Cismaan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee dowladda Soomaaliya waxaa kaloo uu Sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoojineyso madaxbaanida qaranka iyo jirintaan ummadda Soomaaliyeed isla markaana ay waajib ku tahay illaalinta xuduudaha dhulka ,Badda iyo Hawada oo ka mid ah astaamaha jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed.